Talaabooyinka maxaliga ah.

Kvam herad waxay so rogtay talaabooyin dhowr oo maxali ah kuwaaso lagu xakameynaayo caabuqa/karoonaha. Qiimeyn cusub oo lasameeyay qamiisti 8 april.

  • Waa heerka casaanka ah dhamaan iskulada iyo xanaanooyinka caruurta.
  • Xanaanada caruurta lama furi doono kahor arbacada 7. April. Tani waxay quseysa xanaanada Sandven FUS, iskoolka Tørvikbygd, iskoolka strandbarm iyo Ålvik waxa lafuri doona 7 april.
  • Iskoolka Øystese, iskoolka Norheimsund iyo dugsiga dhexe ee kvam waxay haystaan waxbarashada guriga ama heimeundervisning waxa looyaqaan isbuucaan afar iyo tobnaad oo dhan layliga ama shaqada guriga waxa lasoo galiyay boga iskoolada talaadadi 6. April saacadu markay aheyd 11.00. wixii faahfaahin dheeraad ah ee kusaabsan qaadashada buugaagta ama kumbuyutarada Anna waxeey timaada iskulada dhan.
  • Sikastaba hanoqotee Xanaanooyinka iyo iskoolada waxay ufuranyihiin caruurta dhalinyarada nugul, iyo sidoo kale ardayda doorka ku leh howlaha muhiimka u ah bulshada Waxaana waalidiinta ku dhiirrigelinaynaa inay u soo sheegaan dugsiga haddii ay u baahan yihiin talo sida ugu dhakhsaha badan, iyo haddii ay u baahan yihiin kaarka raacitaanka baska.
  • Dugsiga dadka waaweyn iyo dugsiga dhaqanka waa heerka casaanka
  • Qabanqabooyinka gudaha iyo dibadaba waa la mabnuucay tani waxay quseysa intaan ka ahayn xabaasha ama aaska.
  • Meesha jimicsiga, hoolka cayaaraha, hoolka dabaasha iyo goobaha kale maxaliga ah ee lagu qabto cayaaraha way xirnan doonaan.
  • Hagaajinta cayaaraha gudaha, dhaqamada iyo waxyabaha kale ee waqtiga firaaqada lama ogola.
  • Hawlaha dibedda waa la qaban karaa haddii ay waafaqsan yihiin qawaaniinta qaranka
  • Gaadiidka dadweynaha ama baska iyo gudaha meelaha dowliga ah ama sida dukanka waa in la isticmaalo afxirka hadii usan qofka ilaalin karin masaafada 1 ka mitir.
  • Waxa lagu talinayaa in afxirka loo isticmaalo marxaladaha hadii usan qofku ilaalin karin masaafada halka mitir ah.
  • Rakaabka tagsiga waxay isticmaali doonan afxirka.
  • Xeerarka afxirka ma quseeyo caruurta kayar 12 sano iyo sidokale dadka qaata daawada ama haysta sasabo caafiaad darteed aan u siticmaali karin.

Xasuusnow: hadii aad calaamadaha caabuqa karoonaha sida ( naqaska oo kugu xirma, qandho ama xumad, murqo xanuun) waa inaad gurigaaga joogta lana xariirta kvam legevakt taleefoon nambarkiisa waa: 46804366 ( maalinkasta 0830-1600